Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsImaaraatka oo Garoon ku Yaalla Soomaaliya Hub Uga Dhoofiyo Maleeshiyaadka RSF.

Imaaraatka oo Garoon ku Yaalla Soomaaliya Hub Uga Dhoofiyo Maleeshiyaadka RSF.[WARBIXIN]

Wargeyska Middle East Eye ee kasoo baxa dalka Ingariiska ayaa daabacay warbixin cusub oo uu kaga hadlayo, qorshayaasha dhagareysan ee uu Imaaraaatka Carabta ka wado Soomaaliya.

Warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa lagu sheegay, in Xukuumadda Abuu Dhabi ay si maalinle ah mid kamid ah garoomada diyaaradeed ee ku yaalla Soomaaliya uga dhoofiso, hub loogu talagalay maleeshiyaadka RSF ee dhibaatada xooggaan ka wada dalka Suudaan.

Ila wareedyo uu soo xiganayo wargeyska ayaaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in Imaaraaatka Carabta uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso hub uga dhoofiyo maleeshiyaadka RSF ee ka dagaallama dalka Suudaan, halkaasna ay si maalinle ah usoo gaaraan diyaarado sida shixnado hub iyo rasaas ah, iyadoo xilliyada qaar halkii maalin garoonka laga dhoofiyo 5 shixnadood oo hub ah sida ay tilmaaameyso warbixintaan.

Taqriirkaan daaha ka feydaya qorshaha cusub ee uu Imaaraatku ka wado Soomaaliya ayaa waxa uu xoojinayaa hadalkii dhawaan kasoo yeeray xukuumadda Suudaan, taas oo waxa loogu yeero Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ugudbisay dacwad ka dhan ah Abuu Dhabi, kuna eedeysay iney xasuuqyo foolxun ka geysaneyso gudaha Suudaan, xiriir wanaagsanna la leedahay maleeshiyaadka RSF, balse Imaaraatka ayaa iska fogeeyay eedeymahaas.

Middle East Eye ayaa horay ubaahiyay warbixin uu ku sheegayo in Imaaraatka Carabta uu qalab casri oo Raadaar ah geeyayay goballada woqooyi-bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu gacanta ku hayo maamulka la baxay Puntland, waxaana uu xusay in tallabadaas ay kusoo aadey iyadoo maleeshiyaadka RSF laga saaray magaalada Al-Khartuum ee caasimadda Suudaan.

Marka laga yimaado hadalkaas, ila wareedyo millatari iyo kuwa xagga sirdoonka ah ayaa horay looga soo xigtay, in tallaabada uu Imaaraatku qalabkaan Raadaarka ah ku geeyay taliska ciidanka Badda ee maamulka la baxay Puntland oo ku dhagan saldhigga diyaaradaha magaalada Boosaaso loogu tala galay, in ay kula dagaallamaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee Yeman.

“Kani waa hishiis qarsoodi ah oo aysan waxba kala socon madaxda ugu sareysa dowladda Puntland oo ay ku jiraan golaha wasiirada” ayuu yiri il-wareed Soomaali ah oo uu soo xiganayo Wargeyska Middle East Eye ee kasoo baxa dalka Ingariiska, isagoo intaa ku daray iney jiraan xogo sheegaya, in askar udhashay dalka Colombia laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, si loogeeyo dalka Suudaan ugana barbar dagaallamaan kooxda RSF.

Saalim Saciid Saalim oo ah khabiir ka faallooda arrimaha gobalka, maamulana ka ah machad ku yaalla dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay, in aamusnaanta la xirirta warbixinnadaan iska soo dabadhacaya ee daaha ka feydaya qorshayaasha halista ah ee uu Imaaraatku ka wado Soomaaliya ay muujineyso dhab ahaanshaha arrimahaaas, aysanna aheyn arrin ugub ah marka loo fiiriyo cilaaqaadka fog ee u dhaxeeya Dani iyo Imaaaraatka Carabta.

Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Fedaraalka ay doorbiday iney iska ilaaliso carada Imaaraatka Carabta, taas badalkeedana ay qaadatay iney ka gaabsato dhaqdhaaqyada Millatari ee uu Imaaraatka ka wado dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland.

Duullaannada iyo hagardaamada ay ku lug leedahay Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa kamid ah duullaanka Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya, waxayna kaalmaha ay qaadaneyso dowladan ay yihiin kuwa kala duwan, dowladdaan oo wakiil ka ah Yahuudda ayaana mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay qorshayaasha dhagareysan ee ay ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu adeegeyso masaalixda Sahaayinada iyo Reer-galbeedka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Wargeyska

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.