Markab shidaal oo uu ka babanayay calanka Jasiirada Marshall ayaa lasoo warinayaa inuu ku gubtay xeebaha Soomaaliya.
Markabkaani ayaa ka yimid dalka Mozambique, isgoon ku sii jeeday dalka Imaraadka Carabta.
Xogaha ayaa tilmaamay in markabkaan xiliga uu gubanayay uu 508 meyl uu dhanka bri ka xigay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iydoona uu dabka ka bilowday qolka matoorka ee markabka.
Muddo 24 saac ah ayay qaadatay daminta dabka ka kacay markabkaaan , waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ilaa iyo iminka ay korontadu ka maqantahay markabka , islamarkaana uu yaalo halkii uu ku gubtaty.
Majiraan wax khasaro nafeed oo ay hatan wrbaahintu soo warineyso , shaqaalaha markabka iyo maamulkiisa ayaanan cadeynin sababta rasmiga ah ee uu dabka ukacay.