Ruushka ayaa aroornimadii hore ee saaka duqeymo xooggan ku garaacay magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Yukrayn, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyadeed.
Caasimadda Yukrayn ee Kiyeef ayaana lagu soo waramayaa inay saaka la kulantay duqeymo ba’an oo uu Ruushku ka geystay halkaas, kuwaas oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca ugu yaraan 63 ruux, sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Maamulka millatariga ee magaaladaasi ayaana soo dhigay bartooda Telegaraamka, in Kiyeef uu Ruushku kusoo qaaday weerarro loo adeegsaday gantaallo, ayna waxyeello u geysteen ugu yaraan laba xaafadood oo ka tirsan magaalada, iyagoo ku booriyay dadka shacabka ah inay gabaad ka dhigtaan godadka laga galo gantaallada.
Sidaan oo kale Magaalada Kharkiif ee isla dalkaas, waxa ay Mosko ku garaacday duqeymo isdaba joog ah, iyadoo aan lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.
Weeraradaan uu Ruushka la dhacay Kiyeef, Kharkiif iyo magaalooyin kale ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay madaxa xafiiska madaxweynaha Yukrayn, ninka lagu magacaabo Andariyah Yarmaak, isagoona sheegay, in Buutin uusan rabin waxaan ka ahayn dagaal, waxaa uuna dhanka kale ku baaqay, in la joojiyo weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah.
Geesta kale, Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam oo horay ugu fashilmay inuu soo afjaro colaadda labadaani dal ayaa sheegay, in Mareykanka uu aad ugu dhow yahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Yukrayn, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay, in hawshu ay ka dhaqaaqi la dahay Madaxwaynaha Yukrayn.
Trump oo Arbacadii saxaafadda kula hadlay Aqalka Cad, ayaana yiri, “la shaqeynta madaxweynaha Yukrayn aad ayay uga adag tahay sidii la filayay, waxaan u maleynayaa in Ruushku diyaar yahay, uuna wax walba ogalaanayo tanaasul la’aan sida dad badanna ay rumeysan yihiin, waxaan aaminsanahay inaan heshiis la gaarnay iyaga, balse waxaa inoo haray inaan heshiis la galna Zalaniski”.
Si kastaba ha ahaatee, madaxwaynaha Yukrayn ayaa dhawr jeer ku celceliyay inuusan dalkiisa wax hashiis ah la galaynin Ruushka illaa ay Mosko soo wareejinayso jaziiradda Al-Qiram, taas oo ay ay qabsadtay 2014-kii.