Monday, June 9, 2025
HomeAll NewsItoobiya oo Markale Sheegtay Iney Dardar-galineyso Boobka Xeebaha Badda Cas.

Itoobiya oo Markale Sheegtay Iney Dardar-galineyso Boobka Xeebaha Badda Cas.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku celisay iney dardar galineyso damaceeda gurracan ah ee ku aaddan boobka xeebaha Badda Cas.

Abiy Axmed oo ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxa uu markale shaaca ka qaaday, in Xabashidu ay wali ka go’an tahay helidda marin badeed iyo dekad ay xoog kula wareegaan, ayna dadaal adag ku bixinayaan arrintaas.

Waxa uu sheegay iney lama huraan tahay in dadka tirada badan ee Itoobiyaaanka ah ay helaan dekad ay kala soo dagaan badeecadaha kala duwan, 30 sano ee soo sooctana aysan bad la’aan noqon karin.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.