Thursday, April 24, 2025
HomeAll NewsJamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin oo Weerarro kala duwan ka Fulisay Dalalka Saaxilka...

Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin oo Weerarro kala duwan ka Fulisay Dalalka Saaxilka Afrika.

Wararka ka imaanaya wadamada dhaca galbeedka Afrika ayaa kusoo waramaya in ciidamo mujaahidiin ah oo ka tirsan Jamacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ay dagaal culus oo saf balaarana ku qaadeen saldhigyo iyo xarumo ciidan oo ku yaalla wadamadaas, halkaas oo lagu dilay askar badan hubna loogu furtay.

Dalka Burkiina Faaso, ciidamada mujaahidiinta Jamaacada ayaa weerar ku qaaday xarun ciidan oo ku taalla magaalada Karaa ee dhacda gobalka Banquura, waxaana dagaalkan ku dhintay illaa 3 askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaana dagaalkan kula wareegay inta badan hubkii yaallay xerada la beegsaday, waxaana kamid ahaa qoryaha AK-47-ka iyo mootooyin ahaa nooca laba lugooda.

Isla dalka Burkiina-Faaso waxaa ka dhacay hawlgal kale oo kamiin ah, kaas oo loo dhigay ciidamo ku socdaalayay inta u dhaxaysa tuulooyinka Naamisquu iyo Nasiirii oo kawada tirsan gobalka Kaayaa.

Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam ee ka hawlgala dalka Maali ayaa weerar qorshaysan ku qaaday bar ciidan oo ku taalla kantaroolka laga galo magaalada Kutiyaalla oo ka tirsan gobalka Siikaasuu, iska hor-imaadkan ayay mujaahidiintu kula wareegeen hubkii ay ku qalabaysnaayeen askartii ilaalada ka ahaa kontaroolkaas.

Ciidamada dalalka saaxilka Afrika ayaa wajahaya dhiig bax joogto ah, kuwaas oo dagaallo lafa jabis ah ay ku hayaan mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo ka hawlgala dalalkaas, waxaana isasoo taraya guulaha ay iyo futuusaadka ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.