Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsKanaalka Suweys oo Khasaaray Boqolaal Milyan oo Doollar Xiisadda ka Taagan Badda...

Kanaalka Suweys oo Khasaaray Boqolaal Milyan oo Doollar Xiisadda ka Taagan Badda Cas Awgeed

Guddoomiyaha hay’adda Kanaalka Suweys Osama Rabiic ayaa shaaca ka qaaday, heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka soo gaaray kanaalka Masar qalalaasaha amni ee ka taagan Badda Cas.

Waraysi uu siiyay warbaahinta ayuu Rabiic ku sheegay, in tirada maraakiibta ka gudba Kanaalka Suweys ay hoos u dhacday boqolkiiba %50, halka dakhliga kanaalka uu diiwaan geliyay khasaaraha ku dhawaad ​​7 Bilyan oo Doollar sannadkii hore.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaleecayay dowlaha caalamka, in ay ka gaabiyeen dawrkii wax ku ool ahaa ee ku adanaa xasilinta gobolka iyo joojinta khasaaraha dhiigbaxa ee dhanka gaadiidka badda, iyadoo la wada ogsoon yahay, in boqolkiiba 12 ganacsiga caalamiga ah uu maro kanaalka Suweys.

Socdaalka marinka Suweys ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa saameyn ku yeeshay weerarada Xuuthiyiinta ay la beegsanayeen maraakiibta u raran reer Galbeedka iyo Yahuudda ee mara badda cas iyo badda Carabta.

Taas oo keentay, in maraakiibta waaweyn ee konteenarada sida ay weli door bidayaan inay ka wareegaan marinnada fogfog ee koonfurta Afrika, inkastoo ay aad u dheer yihiin, hadana u baahan yihiin shidaal aad u badan, aysana lahayn adeegyada hagida, taas oo aan ku habboonayn maraakiibta yaryar.

Si kastaba ha ahaatee ma cadda saan-saan ah inay xaaladda Badda Cas sidaani kasoo wanaagsanaato, maadaama uu Mareykanka 15-kii bishii Maarso bilaabay weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ah goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, taasoo keentay inay iyagana kusii karaar qaataan beegsiga maraakiibta reer Galbeedka iyo Yahuudda ee halkaasi mara, waana arinta mugdiga sii galinaysa dhaqaale burburka haysta dowladda Masar ee garabka iyo gaashaanka u ah Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.