Wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sheegtay, in ay cunaqabateyn cusub kusoo rogtay dalka Iran, taas oo lagu bartilmaameedsanayo shirkadaha shidaalka ee dalkaas, arrintan ayaana looga gol leeyahay in lagu curyaaminayo dakhliga dhaqaale ee ay Iran ka hesho shixnadaha shiidaalka ah ee ay u dhoofiso dibada.
Siyaasadahan ayaa kamid ah ol-ole joogta ah oo uu Maraykanku ku doonayo in uu Iran iyo xulafadeeda ugaga xayuubiyo dakhliga maaliyadeed ee ugasoo xarooda saliidda cayriin iyo in cadaadis lagu saaro yaraynta dhoofinta badeecadaha ay u iibgeeyaan dalalka caalamka.
Iran ayaa dhoofisa ku dhawaad 1.6 Millyan oo fuusto oo saliid ceyriin ah iyo 0.4 Millyan oo barmiil oo batroolka sifeysan ah maalin kasta, taasoo soo saarta Balaayiin Doollar oo dakhli sanadle ah, Tehran ayaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dhoofinta saliida cayriin iyo Batroolka sifaysan.
Kaddib cunaqabataynada adag ee uu Maraykanku kusoo rogay Iran, waxay shixnadaheeda u adeegsatay qaab khiyanaysan iyadoo badeecadaheeda ku qarinaysa wax soo-saarka dalal kale, waxay sidoo kale ku dhoofisaa aqoonsiyo been abuur ah, si ay u gaarsiiso suuqyada caalamiga ah ee Shiinaha.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo uu Marykanku ku doonayo inuu ku dhimo maalgelinta dhaqaale ee ay Iran u fidiso kooxaha shiicada ah ee ka hawlgala dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq, cunaqabatayntan ayaa sidoo kale ka hortagays barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaallada ee Iran.