Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka NFD oo ay gumeysato Dowladda Kenya ayaa waxa ay fuliyeen, weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya.
Weerarka oo ahaa mid dhabbogal ah ayaa waxaa lala beegsaday, askar katirsan Dowladda Kenta oo ku socdaalayay nawaaxiga deegaanka Haluungo ee gobalka Mandhere ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Kenya .
Inta la xaqiijiyay waxa ay weerarkaas ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen 8 askari oo katirsan ciidanka Kenya ee qeybta ka ahaa askarta la beegsaday.