Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa lacago hor leh oo baad ah kusoo rogay bulshada ku dhaqan degaannada uu ka arrimiyo.
Mashruucii shisheeye ee cashuuraha loogu yeeray ayuu maamulka uu hogaamiyo C/Raxmaan Cirro durbaba billaabay inuu kusoo rogo shirkadaha Isgaarsiinta iyo ganasatada, kadib muddo kooban oo laga joogo markii uu talada la wareegay.
Mashruucan laga soo min guuriyay dalalka shisheeye, ayaa dhaqan galkiisu horay ugu fashilmay Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, kadib markii bulshadu si adag uga hortimid, lama oga sida uu uga dhaqan gelidoono Waqooyiga Soomaaliya oo ay kajirto xaalad dhaqaale xumi ah oo ka daran tan Koonfurta.