Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsMaamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu Wado Qiimeynta Dekad Laga Dhiso Degmada Lughaye.

Maamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu Wado Qiimeynta Dekad Laga Dhiso Degmada Lughaye.

Madaxweynaha maamulka la baxay Soomaaliland C/Raxmaan Cirro ayaa sheegay iney dhameystireen wajiga koobaad ee qiimeynta dhismaha dekadda Lugyahe.

Cirro ayaa hadal ka dhawaajiyay mar uu ka hor hadlayay Baarlamaanka maamulkaasi, wuxuuna sido kale sheegay iney jiraan dhimaha wadooyin uu sheegay iney muhiim yihiin oo dekaddan iyo magaalooyinka waa wayn isku xiraya.

Hadalkan ayaa shaki wayn ku beeray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna soo xasuusay is afgaradkii uu maamulkan horay ula saxiixday dowladda Itoobiya, sheegashadii xukuumadda Adis Ababa ay sheegtay in lagu wareejiyay degmada.

Degmada Lughaye ayaa ku taalla gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya, waana magaalo xeebeed dhowr goor oo hore la isku dayay in dekad laga hir geliyo balse aysan suuragelin.

Halkaan ka Degso Warka Cirro

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.