Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Wadanka Suuriya.

Maamulka Yahuudda oo Duqeymo ka Fuliyay Wadanka Suuriya.


Tan iyo xilligii Suuriya laga cayriyay hogaamiyihii Nuseyriyada Bashaar Al-Asad, waxaa Dalka Suuriya mar mar kala duwan ka dhacay, duqeymo uu fuliyay maamulka Yahuudda iyadoo ay barbar socotay, iney gudaha ugalaan qeybo kamid ah wadanka.

Gobollada ay aadka ugu laa laabtaan ciidamada Yahuudda ee katirsan Suuriya waxaa kamid ah, Al-Quneydhira iyo Darca, halkaasoo habeenkii sabtida ee ugu dambeysay laga maqlay Jug culus.

Waqti xilligaasi kasii horreeyay waxaa Tal-Al-Maanic oo katirsan mandiqadda Al-Kaswa ee dhacda baadiyaha Dimishiq duqeyn ka fuliyay, diyaarad ay leedahay Yahuudda, waxaana la arkayay qiiq ka baxaya goobta duqeyntu ka dhacday.

Afhayeen uhadlay ciidamada maamulka Yahuudda ayaa sheegay, in diyaaradahoodu duqeeyeen Bakhaar hub ku jiro oo ku yaalla mandiqadda Deyr ee dhacda Koonfurta Suuriya.

Yahuudda ayaa ku andacooday in bakhaarka ay duqeeyeen lahaayeen muqaawada falastiin, taasoo ah mid ay marmarsiiyo uga dhiganayaan duqeymaha ay halkaasi ka fuliyeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.