Wednesday, April 30, 2025
HomeAll NewsMalaga Yaabaa inuu Qarxo Dagaal Furan oo Dhexmara Dalalka Itoobiya iyo Erteria?

Malaga Yaabaa inuu Qarxo Dagaal Furan oo Dhexmara Dalalka Itoobiya iyo Erteria?[DARAASAD]

Si lamid ah sida uu dagaalkii Tigray ee sanadkii 2020-ka uu u noqday billowga Isfahan aan horey u qorsheysneyn oo dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya, wuxuu heshiiskii jabdda TPLF iyo xukuumadda Adis Ababa uu ahaa billowga safxad cusub oo ka dhigan dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteria.

Itijaahan ay afka aadiyeen dowladahan deriska ah ee ay cadaawadoodu adagtahay wuxuu sii xoogeystay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dal ay billaabeen diyaar garowga dagaal ay suurogal tahay in si lama filaan ah uu uga dhex qarxo Asmara iyo Adis Ababa.

Labada dal ayaa ciidamo aad u farabadan soo dhoobay xuduudaha, waxaana Ereteria ay ku dhawaaqday heegan buuxa, iyadoo ciidamada lagu amray iney kusoo xaroodaan xeryaha tababarada, tani oo astaan u ah xaalad hubanti la’aan ah oo soo wajahday dalka.

Inkastoo lataliyaha milliteri ee jabhadda Tigreega Jeneraal Tasaadkaan Jabri uu ka digay, dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteria haddii aan la qaadin tallaabooyin kahortag ah, hadana waxaa su’aalo aan weli si rasmi ah jawaab loogu helin la iska weydiinayaa waxa ay salka ku heyso xiisadda ka dhex taagan Adis Ababa iyo Asmara.

Markazkas Aljaziira ee dirasaatka ayaa baahiyay diraasad ka faallooneysa dawaaficda gadaal ka riixeysa xiisadda ka dhex taagan labada dal, iyo suurtogalnimada dagaal furan oo labadan dowladood dhexmara.

Cabdilqaadir Muxamad Cali oo ah qoraaga diraasdan uu baahiyay markazka Aljaziira ayaa soo bandhigay waxyaabaha dhaqaajinaya xiisadda soo kala dhexgashey Ereteria iyo Itoobiya, oo ay kamid tahay cawaamil kadhex jira gudaha labada dal.

Tusaale ahaan Abiy Axmed oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxay tilmaameysaa diraasadda, inuu faa’iido u arko dagaal uu la galo Ereteria, kaasoo u uku qarin karo sida ay isagu la tahay, xaaladda adag ee ka dhex taagan dalkiisa, oo ay kamid yihiin dhibaatooyin dhaqaale, amni iyo kuwa bulsho.

Mid kamid ah qodobada waaweyn ee hurinaya xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Ereteria, waxay diraasaddu tilmaameysaa iney tahay damaca Itoobiya ee la xiriira iney cagta soo dhigto badda cas, arinkaas oo uu marar badan ku celceliyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Tani waxay Asmara dib u xusuusisay siraac soo jireen ah oo kala dhexeeyay Itoobiya, taasoo ku guuleysatay sanadkii 1952-dii iney qabsato Ereteria, dagaal qaatay sodon sano ayaana Asmara u suurogeliyay iney xorriyadeeda dib u hesho.

Xukuumadda Adis Ababa ayaa u aragta xornimadii ay gaartay Ereteria khalad taariikhi a oo ay tahay in dib loo saxo, bayaan kasoo baxay madaxtooyada Adis Ababa ayaana horey loogu sheegay in Itoobiya iney weyso marin biyoodka Badda Cas uu ahaa khalad taariikhi ah, oo ay tahay in dib loo saxo.

Inkastoo Siyas Afwerki iyo Abiy Axmed ay horey u saxiixeen heshiis khubaradu ku sheegeen mid muhiim ah, hadana waxaa Asmar ay dareentay in dhabarka laga toogtay markii uu Abiy Axmed heshiiskii Biritooriya la saxiixday kooxda hubeysan ee TPLF.

Waqti xaadirkan xukuumadda Adis Ababa waxay ku eedeyneysaa Asmara iney hubeyneyso kooxda Fano ee Amxaarada, kuwaasoo dagaal adag kula jira dowladda Itoobiya, waana arinka ay marar badan beenisay xukuumadda Ereteria.

Qaar kamid ah astaamaha muujinaya heerka ay mareyso xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Ereteria ee keeni karta dagaal inuu qarxo waxaa kamid ah, in Adis Ababa ay marti gelisay mucaaradka Asmara, hakad ku yimid duulimaadyadii diyaaradaha ee labada dal, hadalalda kul-kulul ee ay labada dal isku dhaafsadaan baraha bulshada, iyo Ereteria oo badda Cas ku qabatay Markab hub iyo saanado milliteri u waday dowladda Itoobiya.

Haddii uu qarxo dagaal dhexmara labada dal, waxay diraasadda markazka Aljazeera tilmaameysaa in khasaaraha nafeed ee ka dhasha uu noqon doono mid ballaaran, halka dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwa dhaqaalena ay la kulmi doonaan labada dal, haba ugu darnaate Ereteria oo wajihi doonta dhaqaale xumi baahsan, iyadoo la filayo in dagaalladaas ay dhiirogeliyaan tahriibka.

Dhanka Itoobiya waxaa dagaal ay la gasho Ereteria uu sababi doonaa, in dalka Itoobiya uu kala furfurmo, awoodda dhexe ee dowladuna ay sii lunto, ugu dambeynna ay keento iney burburto xukuumadda Adis Ababa, sida ay tilmaameyso diraasadda.

Inakstoo labada dal uu midba midka kale indhaha ku gubayo, hadana majirto cid diyaar u ah dagaal ballaaran furan, Itoobiya waxaaney ka badin karin dhibaatooyinkeeda gudaha, Ereteriana sidaasi si lamid ah diyaar uma ahan wax dagaal ah.

Si kastaba ha noqotee, sahdaalinta xiisadaha siyaasadeed ayaa ah kuwa si kedis ah isku bedeli kara, waxaana malaayiin ruux oo Muslimiin ah oo ku nool geeska Afrika ay u arkaan ifafaalo wanaagsan burburka Itoobiya, oo lagu tilmaamo iney tahay wakiilka Nasaarada ee mandiqadan, taariikh ahaanna dagaallo dhaadheer la gashey muslimiinta.

Halkaan ka Degso Warbixinta Daraasadda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.