Diyaaradaha dagaalka ee dawladda Mareykanka ayaa 28 weerar oo duqayn ah ku qaaday xarumaha iyo bakhaarada Xuutiyiinta ee ku yaalla Shan gobol oo ay kooxdu ka maamusho dalka Yemen, iyadoo ciidamada Mareykanka ay soo bandhigeen muuqaalo cusub oo muujinaya weeraradaasi.
Duqeymaha Mareykanka ayaa barqanimadii maanta oo Khamiis ah beegsaday gobollada Yemen ee Sanca, Sacdah, Jowf, Ma’rib iyo Al Xudeyda. Magaalada Sanca, diyaaradaha Mareykanka ayaa lix weerar oo cirka ah ku bartilmaameedsaday bakhaarrada hubka ee Xuutiyiinta iyo dhufeysyadii ay kooxdu ku lahaayeen xerada Brash ee bariga caasimadda.
Saddex weerar oo dhinaca cirka ah ayaa sidoo kale lala beegsaday bakhaarro lagu kaydiyo hubka oo ku yaalla deegaanka Jabal Nuqum ee bariga Sanca, waxaana la maqlay qaraxyo xooggan oo aan hore loo arag, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka dhasheen bambaanooyin kiimika ah oo ku xaraysnaa goobta la beegsaday. Weerar kale oo dhanka cirka ah oo ka dhacay Sanca ayaa lala beegsaday guri uu leeyahay hogaamiyaha Xuuthiyiinta oo ku yaalla bariga Al-Jaraf ee waqooyiga caasimadda.
Dhanka kale, gobolka Jowf diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa weerar ku bartilmaameedsaday dhufeysyada laga rido gantaallada ballistic-ga ah ee ku yaalla deegaanka Al Maxzamat ee dhaca galbeedka gobolkaas.
Geesta kale, gobolka Ma’rib, ayaa isna marti galiyay labo weerar oo xagga cirka ah, kuwaas oo mid ka mid ah lala beegsaday qalab milatari oo ay Xuuthiyiintu ku kaydinayeen bakhaaro ku yaalla deegaanka Jabal Balaq ee koonfurta gobalkaas, weerarkan ayaana dhaliyay khasaare culus.
Duqaymahan ayaa kusoo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyintu ay shaaciyeen inay burburiyeen mid kamida diyaaradaha Doroonka ee Maraykanka, taas oo lagusoo riday gobalka Xajjah, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay afhayeenka kooxda Yaxye Sariic.