Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMareykanka oo Gacanta ku Dhigay Nin ay ku Eedeeyeen Qorsheynta Dilka Wasiiro...

Mareykanka oo Gacanta ku Dhigay Nin ay ku Eedeeyeen Qorsheynta Dilka Wasiiro Ameerikaan ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tebineysa in Booliska wadankaasi ay qabteen, nin hubeysan oo  qorsheynayay dilka wasiika gaashaandhigga, kan maaliyadda iyo gudmoomiyaha waxa ay ugu yeeraan Balamaanka Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Rayyaan Michael, ayey saxaafaddu sheegeysaa in Isniintii lasoo dhaafay ciidanka Boolisku ay ka qabteen albaabka Koonfureed ee dhimaha ay degaan yihiin waxa loogu yeero Baarlamaanka Mareykanka, isagoo wata Mindi iyo labo dhalo oo Maalatoof ah, sida hadalka loo dhigay.

Marka laga soo tago dhacdadan, maalmo kahor waxay dowladda Mareykanka soo qabtay, nin dhalinyaro ah oo muuqaal uu iska soo duubay barta TikTok-ka ku faafiyay, isagaoo ku baaqaya in Trump la dilo,

Maamulka cusub ee Mareykanka ayaa markii uu talada la wareegay durba wuxuu wajahayaa halisyo waa wayn oo dhanka amniga ah, wuxuuna wadanka Mareykanku noqday meel cabsida iyo qalqalka hooy u ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.