Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsMasuuliyiin Katirsan Maamulka Kenya ee Mandera oo u Gacan Galay Al-Shabaab.

Masuuliyiin Katirsan Maamulka Kenya ee Mandera oo u Gacan Galay Al-Shabaab.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ka fuliyeen deegaanka Harazuki oo ah deegaan u dhaxeeya degmada Ceel-qaalow iyo magaalada Wargaduude ee gobalka Mandheera, waxey nolasha kusoo wadeen 5 mas’uul oo ka tirsan maamulka dowladda Kenya ugu magacaaban gobalka Mandheera kuwaasi oo kala ah

1-Cadow Cabdulle Maxamed gudoomiyihii hore ee magaalada War-gaduude

2-Maxamed Nuur Xaaji Gudoomiyaha deegaanka Jajaboole.

3-Cabdi Xasan Surre Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.

4-Maxamed Xasan Kulmiye Gudoomiyaha magaalada War-gaduude qeybta Bari.

5-Ibraahiim Gaabow Cabdulle gudoomiye ku xigeenka qeybta Bari ee magaalada War-gaduude

Masuuliyiinta katirsan dowladda Kenya ee gacanta lagu dhigay, ayaa la socdy gaari nooca raaxada ah, waxaana gacanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab galay iyaga iyo gaarigii ay wateen.

Ciidamo Kenyaati ah oo kolonyo oo gurmad ahaan uga soo baxay magaalada War-gaduude, ayaa lala eegtay qarax, waxaana laga gubay gaari beebe ah, iyadoo ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen askartii saarneyd.

Halkan kala deg Faafaahin

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.