Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsMaxay Yihiin Rabshadaha iyo Qalalaasaha ka Taagan Koonfurta Suudan.? .

Maxay Yihiin Rabshadaha iyo Qalalaasaha ka Taagan Koonfurta Suudan.? [Warbixin].

Qalalaasaha Suudaan ayaa ku fiday Koonfurta Suudaan ee deriska la ah dalkaas, iyadoo 7 qof lagu dilay qaar kalena la dhaawacay, halka la bililiqaystay dukaamo badan,  kaddib mudaharaadyo ka dhacay magaalooyinka koonfurta Suudaan oo lagaga soo horjeeday dil loo gaysatay dad kasoo jeeda Koonfurta oo lagu dilay Gobolka Al-jaziira ee bartamaha Suudaan, kaddib markii ay ciidamadu la wareegeen caasimada gobalkaas ee  Wad Madani toddobaad ka hor.

In kasta oo Koonfurta Suudaan ay ka go’day Suudaan inteeda kale sannadkii 2011-kii kaddib tobanaan sano oo dagaal dhiig badan ku daatay, waxaa hadana dhanka kale kumannaan qof oo kasoo jeeda Koonfurta Suudaan ay weli ku noolyihiin magaalooyin iyo gobollo dhowr ah oo katirsan dalka Suudaan, kuwaas oo qaarkood shaqaale xilliyeed ka ah Qorshaha Beeraha ee gobalka Gezira ee bartamaha dalka Suudaan.

Dadkan ayaa intooda badan ku nool xaafado ku yaalla duleedka magaalooyinka gobalkaas oo lagu magacaabo Al-Kanabi, waxaana ku nool beeraley iyo shaqaale, kuwaas oo intooda badan ka yimid gobollada Daafuur iyo Kordofan ee galbeedka dalkaas.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.