Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsMeydka Sarkaal Katirsanaa Qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe oo Laga Helay laascaanood.

Meydka Sarkaal Katirsanaa Qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe oo Laga Helay laascaanood.

Wararka ka imaanayo magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa ku warramaya, in halkaasi lagu dilay sarkaal katirsanaa dawlada Xabashida Itoobiya.

Ninkan lagu dilay Laascanood ayaan lagu magacabijiray Faarax Caydiid Jaamac, waxaana uu kamid ahaa saraakiisha qunsuliyadda Itoobiya ee ku taalla magaalada Garoowe, xogaha laga helayo magaalada ayaana tilmaamaya, in meydkiisa laga helay dooxada Goojacadde.

Dad ku sugan magaalada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey, in meydka ninkani ay ka muqadeen dhowr xabadood iyo waliba jir dil xoogan oo lagula kacay ka hor inta aan xabadaha lagu dhufan.

Dilka magaalada Laascanood loogu geestay sarkaalkan ayaa yimid, kadib markii ay koox hubeysan kala labxeen hoygii uu deganaa. Sarkaalkaani katirsanaa dawlada xabashida Itoobiya, islamarkaana lagu dilay magaalada Lascanood ee gobolka sool ayey wararku tilmamayaan, in uu ahaa mid qabilsan lasacdka dadka Itoobiyaanka ah ee safarka ah.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.