Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerar culus ku qaaday bar ciidan oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan maamulka Burkina-Faso, dagaalkan ayaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada dalkaas, iyadoo ay sii xoogaysanayaan weerarada habeen dheelmadka ah ee ay mujaahiintu ku mirayaan askarta Burkina-Faaso.
Hawlgalkan oo ka dhacay deegaanka Nagaari oo dhaca gobalka Fandargorma ayaa lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsan ciidamada Burkina-Faaso, waxaana mujaahidiinta u suuragashay inay saldhigyadii halkaas ku yaallay si buuxda ula wareegaan, iyagoo gacanta ku dhigay saanad militari oo aad u badan.
Ciidamada Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaana dagaalkan kusoo furtay gaari gaashaaman oo nooca dagaalka ah, labo qori oo dhishiike ah, 9 qori oo daba-jeex ah, 5 RBG iyo 23 qori oo AK-47 ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu dagaalkan ku gubeen gaari nooca dagaalka ah.
Dhanka kale, dalka Maali waxaa ka dhacay hawlgal qarax ah oo ay ciidamada mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ku beegsadeen gaari ay la socdeen askar ka tirsan militariga dalkaas, qaraxan ayaana si gaara uga dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Karifuur iyo Dajiini ee dalka Maali.
Mujaahidiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa qaaday weerarro isdaba joog ah isbuucyadii lasoo dhaafay, waxayna dagaaladan intooda badan ka dhaceen dalalka Burkina-Faaso iyo Maali ee dhaca galbeedka Afrika ama wadamada saaxilka, marka lagasoo tago askarta ay ku laayeen hawlgaladan waxay sidoo kale mujaahidiintu soo furteen saanad ciidan oo aad u badan, taas oo uu cadowgu kusoo qalabeeyay ciidamada dalalkaas ee dagaalka adag kula jir ku dhaqanka shareecad Islaamka.