Sunday, May 18, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal Muslimiin oo Weeraro Horleh ka Fulisay Maali & Burkina-Faso.

Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo Weeraro Horleh ka Fulisay Maali & Burkina-Faso.

Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa isbuucan ina dhaafay qaaday weerarro isdaba joog ah oo si xoog leh uga kala dhacay dalalka Burkiina-Faaso, Maali iyo Niijar. Weeraradan ayaana muujinaya in jihaadiyiintu ay wadaan guluf dagaaleed xooggan oo si xeel dheer loo agaasimay, kaas oo ay kula wareegeen saldhigyo ciidan, gacantana kusoo dhigeen maxaabiis dagaal.

Wararka naga soo gaaraya dalka Maali ayaa sheegaya, in habeenkii Arbacada ee isbuucii ina dhaafay ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamacaada Nusratul Islaam Wal-Musliin ay fuliyeen hawgal loo adeegsaday walxaha qarxa, kaas oo  lagu bartilmaameedsaday ciidamada Maali oo marayay agagaarka magaalada Kuunaa. Weerarkan oo loo adeegsaday labo qarax ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray askarta dalkaas, iyada oo sidoo kale jihaadiyiintu ay gacanta kusoo dhigeen askari maxbuus ah, kaas oo lagasoo qabtay meel u dhow magaalada Nayuunuu.

Subaxnimadii Khamiista, guutada qaraxyada ee mujaahidiinta Jaamacada Nusratul Islaami Wal-Muslimiin ayaa hawgal qarax ah la beegsatay gawaari ciidan oo ay la socdeen askarta dalka Maali, kuwaas oo marayay wadada isku xirta magaalooyinka Bamaako iyo Siiquu ee dalkaas. Qaraxan ayaa sababay khasaare xooggan oo gaaray ciidamada Maali, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku  noqdeen tiro askar ah.

Isla maalintaas gelinkii dambe, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta ayaa si buuxda ula wareegay xero ciidan oo ku taalla tuulada Muusiibaaqaa ee gobolka Tiilaabiiri ee dhacda dalka Niijar. Ciidamada mujaahidiinta ayaana saldhigyadan kula wareegay inta badan hubkii iyo gadiidkii ay ku qalabaysnaayeen askarta dalkaas.

Dhinaca kale, dalka Burkina Faaso weerar qorshaysan ayaa lala eegtay ciidamo kolanyo ah oo ku socdaalayay  wadada isku xirta magaalooyinka Baaqsaluuquu iyo Basuum oo kawada tirsan gobolka Kayaa, kamiinkan ayaa sababay khasaaro xooggan oo gaaray ciidamada dalkaas, iyada oo ay jihaadiyiintu gacanta kusoo dhigeen qalab ciidan oo ay wateen askarta kamiinka loo dhigay.

Talaadadii ina dhaaftay Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa, labo askari oo ka tirsan ciidamada Burkiina-Faaso ku dilay weerar ka dhacay magaalada Fuunasaa ee ka tirsan gobalka Kayaa, halkaas oo sidoo kale ay jihaadiyiintu kula wareegeen hubkii ay wateen ciidamadan. Maalinimadii xigtay ayay weerar kale ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen tuulada Suuluuqawii ee gobolka Kuulbiiluuquu, halkaas oo lagu dilay illaa  lix askari oo katirsanaa militariga dawladda Burkiina-Faaso.

Isla maalintaas, weerar kale ayaa lagu qaaday saldhig ku yaalla deegaanka Biinaduu ee gobolka Kuulbiiluuquu, halkaas oo tiro askar ah lagu dilay lagana qabsaday labo mootoo oo nooca laba lugooda ah. Wararka isasoo taraya ee kasoo baxay dalka Burkiina-Faaso ayaa sidoo kale sheegaya, in tuulada Yiilaa ee gobalka Diiduuqu laga fuliyay weerar kale oo lagu beegsaday saldhigii ay ciidamada dalkaas ku lahayeen duleedka tuuladaas, halkaas oo lagu dilay labo askari.

Weeradan xiriirka ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo isbuucuu inaa dhaafay biliwgiisa uu dhacay hawgal qorshaydan oo ay jihaadiyiintu ka fuliyeen magaalada Jiibo ee dalka Burkiina-Faaso, kaas oo ay ku dileen illaa 200 askari, Iyada oo Mua’assasad Az-Zallaaqah ee ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Musliin ay baahisay muuqaalka dagaalkaas, kaas oo soconaya qadar gaaraya illa 25 daqiiqo, weerarkan iyo weerarada lamid ah ka ah ayaa noqoanay kuwii ugu xooganaa ee dalka Burkiina-Faaso ka dhaca tan iyo sanadkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.