Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsQarax Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Baladweyne & Madaafiic Lagu Garaacay Xerada...

Qarax Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Baladweyne & Madaafiic Lagu Garaacay Xerada Hiilweyne.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay goballada Hiiraan iyo Sh-dhexe ka fuliyeen, weeraro isugu jira qaraxyo iyo madaafiic oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Haddaan ku horreyno gobalka Hiiraan, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qaraxyo la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaaraalka oo ku sugnaa magaaalada Baladweyne ee xarunta gobalkaas.

Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen buunadada weyn ee magaalada Baladweyne, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.

Geesta kale isla xalay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar Madaafiic ah ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.

Madaafiicda ayaa lala beegsaday xerada Hiilweyne oo ay ku sugnaayeen askar badan oo katirsan Dowladda Fedaraalka, illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil ku aaddan khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.