Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsSaraakiil Lagu Weeraray Duleedka Ceelbaraf iyo Qarax ka Dhacay Muqdisho.

Saraakiil Lagu Weeraray Duleedka Ceelbaraf iyo Qarax ka Dhacay Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay iyo saakay waxa ay fuliyeen, weeraro isugu jira kamiin iyo qarax kuwaas oo ka dhacay goballada Banaadir iyo Sh-dhexe.

Haddaan ku horreyno gobalka Sh-dhexe, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar kamiin ah la beegsadeen, saraakiil iyo askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobalka.

Weerarka ayaa si gaaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa deegaanka Ceelbaraf iyo degmada Jalalaqsi oo ka kala tiran Sh-dhexe iyo Hiiraan, waxaana lasoo warinayaaa in khasaare uu ka dhashay weerarkaas.

Geesta kale waxay aroornimadii hore ee saakay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah ka fuliyeen mid kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday koontarool ay askarta Dowladda Fedaraalka dhigteen, isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan oo katirsan magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.