Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsShil ay Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Deegaan Kairsan Gobalka Bari.

Shil ay Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Deegaan Kairsan Gobalka Bari.[DHAGEYSO]

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo maalintii shalay ka dhacay deegaan katirsan gobalka Bari, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Xidda oo hoostaga degmada Waaciye ee gobalka Bari, waxaana gaariga shilka galay saarnaa 7 qofood oo ehel iyo qaraabo ah.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo kamid ah dadkii saarnaa gaariga ayaa goobta ku geeriyooday, halka ay dhaawacyo soo gaareen 3 kale oo ay xaaladoodu culus tahay, kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Dadkaan shilka galay ayaaa waxa ay ka yimaadeen magaalada Qardho ee gobalka Bari, waxaana ay shilka uu dhacay kadib markii ay kasoo laabteen booqasho ay ugu tageen wiil dhalinyaro ah oo ay ehel yihiin kuna xiran saldhigga degmada Qardho.

Gobalka Bari ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale looga soo tabiyay shilal gaari, kuwaas oo ay dad badan ku nafwaayeen kuwa kalana ku dhaawacmeen.

Halkaan ka Degso Warka Shilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.