Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiayha maxkamadda ciidamada Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in kiisaska dacwada ugu badan ee ay qaadaan ay tahay falalka ay geystaan malleeshiyaadka Macwiisleyda.
Wuxuu sheegay in sanadkii tagay ay diiwaangeliyeen koror dhan 11% kiisaska tacadiyaadka ay geystaan malleeshiyaadka Macwiisleyda, wuxuuna dalbaday in maxkamada iyaga u gaar ah loo dhiso, oo ay qaati ka taaganyihiin.