Dab xoogan ayaa ka kacay suuqa Gobanimo ee magaalada Hargeysa, halkaas oo laga soo sheegayo dhaqaale burbur xoogan.
Dabka ayaa kacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana uu inta badan basbeeliyay xarumihii ganacsiga ee suuqa, iyadoo gawaarida dad damiska ay kasoo daaheen imaanshaha goobta.
Suuqa Gobanimo ama Idaacadda ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa.
Qaar kamid ah dadka ganacsatada ee hantidooda gubatay ayaa warbaahinta la hadlay.
Labo sano kahor ayay ahayd markii suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu dab qabsaday, waxaana dabkaasi ku basbeeley hanti lagu qiyaasay labo bilyan oo doollar.