Maamulka Yahuudda ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ka wada deegaanada kala duwan ee ku yaalla Marinka Qazza, waxaana duqeyn soo gaartay illaa iyo saakay subixii hore ku shahiiday dad badan.
Haddii aan soo gudbino magaaloouinka kala duwan ee ay ka dhaceen duqeymaha iyo dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay, kamid ah magaalooyinkaasi Qazza.
Guri ku yaalla xaafadda Ash-Shajaaciyah ee Bariga magaalada Qazza waxaa duqeyn ka dhacday lagu dilay 3 ruux in ka badan 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Sido kale mandiqadda Al-Yarmuuk ee bartamaha Qazza waxaa duqeyn ka dhacday lagu dilay 3 ruux, halka ay ku dhaawacmeen qaar kale kuwana la la’yahay.
Magaalada Beyt-Laahiyah ee dhacda Marinka Qazza waxaa iyadana ku shahiiday 3 ruux, kuwaasoo ay duqeyn ku dishay Yahuudda.
Sidaasi si lamid ah duqeyn ka dhacday magaalada Khaan-Yuunis ayaa waxaa ku shahiiday 5 ruux, duqeyntan ayaa beegsatay guri iyo teendhooyin ay deganaayeen dad barakacayaal ah, oo ku yaalla mandiqadda Al-Katiibah ee dhacda Waqooyiga Khaan-Yuunis.
Isku soo wada duuboo dad aan ka yareyn 20 ruux ayaa ku shahiiday duqeymahan kala duwan saacadihii lasoo dhaafay, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.