
Sanadihii la soo dhaafay, tiro aad u badan oo ah kiisas furuqa daayeerada ah ayaa laga soo sheegay dalalka Britain, Portugal, Spain iyo Mareykanka.
Dilaaca cudurkan fayraska ah oo markii ugu horeysay laga helay Daanyeerada, ayaa walaac badan ku abuuraya dalalkaas, gaar ahaan maadaama uu si toos ah u yimid kadib cudurkii Korona fayras ee ku fiday dunida oo dhan.
Furuqa Daanyeerada ayaa la og yahay inuu ka dhaco inta badan Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, wuxuuna mararka qaarkood ku fidaa meelo kale.
Haddaba waxaa iswaydiin leh waa maxay cudurkani?
Furuqa daayeerku waa fayras keena calaamado dhowr ah, oo ay ku jiraan qandho iyo finan.
Cudurku inta badan waa mid fudud, inkastoo ay jiraan laba nooc oo waaweyn oo ku kala duwan xagga khatarta, kuwaas oo kala ah nooca Kongo, oo aad u daran, heerka dhimashaduna waa illaa boqolkiiba 10%, iyo nooca Galbeedka Afrika, oo heerka dhimashadiisu tahay qiyaastii boqolkiiba 1% oo kaliya. Kiisaska noocaan ah ayaana laga soo calaamadeeyay dalka Ingiriiska.
Professor caafimadka ka dhiga jaamacad ku taalla London, ayaa yiri: “Taariikh ahaan, waxaa jiray kiisas aad u yar oo la dhoofiyay, taasoo dhacday sideed jeer oo kaliya kahor sanadkii 2022-kii.”
Portugal waxay diiwaangelisay shan xaaladood isla sanadkaas, halka Spain ay tijaabinayso 23 xaaladood oo suurtagal ah. Iyadoo labada waddan aysan horay u soo sheegin wax kiisas oo ku saabsan Furuqa Daanyeerada.
Fayrasku waxa uu ku fidaa taabashada xayawaanka qaarkood ama inta badan taabashada u dhaxaysa dadka.
Waxaa cudurkaan markii ugu horreysay laga helay daanyeerada sannadkii 1958-kii, sidaas darteed ayaana loogu magacdaray Furuqa Daanyeerada, balse xayawaanka Dooliga ayaa hadda loo arkaa inuu kamid yahay xayawaanada ugu badan ee laga helo fayraskan. Iyadoo faafitaanka degdega ah ee cudurkan uu ka yaabiyay khubarada caafimaadka.
Kiiskii ugu horreeyay oo ku saabsanaa fayraskan ayaa ahaa 6-dii May sanadkii 2022-ka, kaas oo la sheegay in qofkii qabay uu u safray dalka Nigeria, Sidan oo kale, khubaradu waxay ka digayaan faafitaanka ballaaran ee fayraskan, taas oo keeni karta in cudurkani uu ku dhaco dad hor leh.