Wargayska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykan ayaa daabacay warbixin kusaabsan, in Dadka ku nool magaalada Goma, oo ay la wareegeen fallaagada ay Rwanda taageerto, ay ku jiraan xaalado biyo yari iyo cunto yiri ah iyo guud ahaan hubanti la’aan badan.
Todobaad kadib Dagaalka, fallaagada ay taageerto Rwanda ayaa gabi ahaanba la wareegay gacan ku haynta magaaladaas oo ay ku nool yihiin labo milyan oo qof, taas oo dhacda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo .
Isbitaalada ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, iyadoo goobaha meydadka lagu keydiyana ay buux dhaafiyeen dad ku nafwaayay dagaaladaas. Dadka reer Goma ayaa bilaabay in ay ka soo baxaan guryahooda, iyaga oo baadi goobaya biyo iyo cunto ay jidiinka mariyaan. Halka ciidankii Kongo ee la rabay inuu difaaco magaaladaasna la jabiyay.