Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsXuuthiyiinta oo Arday Jaamacadeed ku Dilay Gobolka Taciz ee Dalka Yemen.

Xuuthiyiinta oo Arday Jaamacadeed ku Dilay Gobolka Taciz ee Dalka Yemen.

Maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay waxaa Al-Xowbaan ee dhacda Bariga gobolka Taciz ka dhacay, dil loo geystay labo arday oo dhiganayay Jaamacadda Al-Xikma halka 3 kalena dhaawacyo halis ah la gaarsiiyay.

Dilkan ayaa dhacay xilli lagu gudah jiray tababar ay halkaasi ka wadaan malleeshiyada Xuuthiyiinta oo ay ardayda xoog uga qeyb geliyeen, waxayna malleeshiyadan Jaamacadihii ubedelayaan xerooyin Tababar.

Malleeshiyadan ayaa doonaya iney ardayda waxbaraneysa ka dhigtaan xaabada lagu huriyo dagaallada ay kaga jiraan dhinacyada kala duwan, waxayna wadaan ciidameyn qasab ah.

Dad badan oo Yamaniyiin ah ayey horay ugumaadeen malleeshiyadan, deegaannada ay joogaanna bulshada waxay ku hayaan dhibaatooyin farabadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.