Feysal Cali Waraabe oo Kamid ah siyasiyiinta caanka ah ee katirsan maamulka la baxay Soomaaliland, ayaa waxa uu markale ku celiyay in Xarakadda Mujahidiinta Al-shabaab ay dhawaan la wareegi doonto magaalada Muqdisho oo xarun u ah Dowladda Fedaraalka.
Siyaasigaan ayaa qoraal uu kusoo daabacay barta uu uu ku leeyahay “X”, waxa uu ku sheegey in bilaha sosocda ee May ama June ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qabsan doonto Magaalada Muqdisho.
“Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al-Shabaab oo la wareegta Soomaaliya, Sidii aan hore u sheegay bisha May ama ugu dambayn June ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta maamulka la baxay Soomaaliland.
Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkaan soo daabacay maalintii shalay oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen, degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-hoose.
Madax katirsan Dowladda Fedaraalka oo uu ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Fedaraalka Axmed Macallin Fiqqi ayaa aad uga carooday hadalka kasoo yeeray Feysal Cali Waraabe.
Horay ayuu asiyaasigaan katirsan maamulka la baxay Soomaaliland u sheegay, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay bisha May la wareegi doonaan magaalada Muqdisho.