Wednesday, April 30, 2025
HomeAll NewsKhasaaraha ka Dhashay Duqeyntii ay Shisheeyuhu ka Geysteen Gobalka Bari oo Kordhay.

Khasaaraha ka Dhashay Duqeyntii ay Shisheeyuhu ka Geysteen Gobalka Bari oo Kordhay.

Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaaradaha Shisheeye ka geysteen, deegaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Duqeynta oo ay fulisay diyaarad Drone ah oo loo badinayo iney leedahay Dowladda Mareykanka, ayaa waxaa lagu dilay 4 ruux oo isugu jira haween iyo caruur.

Guddoomiyaha degmada Qandala ugu magacaaban maamulka la baxay Puntland Axmed Yuusuf Quurshe, ayaa waxa uu xaqiijiyay dilka 4-taan qof iyo dhaawaca 6 kale, waxaana mar wax laga weydiiyay cidda ka dambeysay duqeynta uu marin habaaiyay qolada fulisay, balse waxa uu tibaaxay iney geysteen dowladaha Shisheeye.

Halkaan ka Degso Faahfaahinta Duqeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.