Soomaalida kunool magaalada Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa tilmaamaya in xaaladda dalkaasi ku heysato ay tahay mid adag, aadna ay usoo badanayaan afduubka loo geysanayo dadka.
Sida ay sheegayaan Soomaalida halkaas kunool, waxaa si gaar ah loo afduubanayaa dadka muslimiinta ah, iyo cid weliba oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda dowladda Kenya.
Si gaar ah dadka baraha bulshada ku qora hadallo dhaliil ku ah William Ruto iyo maamulkiisa ayaa wadooyinka maalin cad laga afduubaa, iyadoo dowladda Kenya ay ku doodo ineysan iyadu masuul ka ahayn.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeya dowladda Kenya iney cidankeedu masuul ka yihiin, afduubka loo geysanayo dadka shacabka ah.