Friday, April 25, 2025
HomeAll NewsWeeraro Xalay ka Dhacay Goballada Baay iyo Sh-hoose.

Weeraro Xalay ka Dhacay Goballada Baay iyo Sh-hoose.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ku qaadeen, xeryaha askarta Shisheeye iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin qeybo kamid ah goballada Sh-hoose iyo Baay.

Haddaan ku horreyno gobalka Sh-hoose, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobalkaas.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday, fariisinka ay askrta Uganda ku leeyihiin magaalada Buulomareer oo katirsan isla gobalka Sh-hoose.

Docda kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, xerada askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud Buurey ee duleedka magaalada Beydhabo.

Sidoo kale waxaa weerar lagu ekeeyay saldhig ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Towfiiq oo katirsan magaalada Beydhabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.